Qaar kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta banaanbax cabasho ah ka hor sameeyay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), iyaga oo ka cabanayay adeeg xumo, dayac iyo xaalado adag oo ay sheegeen inay wajahayaan intii ay gudanayeen waajibaadka Xajka.
Muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa muujinaya xujey careysan oo ku xoomay gaariga wasiirka, iyadoo mid kamid ah dadkaasi uu xitaa isku hor dhigay baabuurka, arrintaas oo sababtay in wasiirku kasoo dago gaariga si uu si toos ah ugu dhageysto cabashooyinka loo gudbinayay.
Mid kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee muuqaalka kasoo muuqday ayaa sheegay in lagu dajiyay meel aad uga fog goobaha cibaadada, islamarkaana ay wajahayaan gaadiid la’aan iyo cunto yari.
“Baahi ayaa na haysa, gaari aan raacno ma hayno, Xaramka aad ayuu nooga fogyahay,” ayuu yiri mid kamid ah Xujeyda oo ka hadlayay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin.
Xaaji kale ayaa isna sheegay in Xujeyda Soomaaliyeed ay dareemayaan dayac marka loo eego muwaadiniinta dalalka kale, kuwaas oo sida uu sheegay helaya adeegyo wanaagsan iyo gaadiid u gaar ah.
“Itoobiyaan shan kun ah ayaa timid, basas ayay leeyihiin, cunto ayay leeyihiin, daawo ayay leeyihiin, annaga maxaa naga maqan?” ayuu yiri muwaadin kale oo kamid ahaa dadka cabashada muujinayay.
Kadib cabashooyinkaas, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in si degdeg ah wax looga qaban doono xaaladda, isaga oo sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada lasoo gudboonaatay Xujeyda Soomaaliyeed.
Cabashooyinka sanadkan kasoo baxaya Xujeyda Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka laga sugayo inay si dhow ula socoto xaaladda muwaadiniinteeda gudanaya waajibaadka Xajka, maadaama shacabka Soomaaliyeed laga qaado kharashyo sare oo ku baxa safarka iyo adeegyada la xiriira gudashada acmaasha Xajka.
