Ciidanka Suuriya Oo Markii ugu horreysay Tababar Sameeyay Tan iyo Markii la Riday Bishaar Asad

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Suuriya ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu dhacay nidaamkii Bashar al-Assad ka qeyb galay dhoolatus militari oo ay la sameeyeen dalal xubno ka ah isbahaysiga NATO.

Sida ay maanta baahisay warbaahinta Sacuudiga laga leeyahay ee Arab New, dhoolatuska ay ka qaybgaleen ciidanka Suuriya, waxaa soo qaban qaabiyay Turkiga, kaas oo lagu qabtay magaalada Izmir, ayna ka qeyb galeen 50 dal iyo ku dhowaad 11,700 askari.

Ka qaybgalka Suuriya ee dhoolatuskan militari ayaa lagu sheegay inay ka dhigantahay isbeddel weyn oo muujinaya in Suuriya-da cusub ay si tartiib ah uga fogaaneyso xulafadii hore ee Ruushka oo muddo dheer taageerayay ciidanka Suuriya, xilligii nidaamkii Assad.

Warbixinta Arab New , ayaa lagu sheegay inay sidoo kale muujin kartaa in Dimishiq ay doonayso inay xiriir cusub la yeelato reer galbeedka iyo nidaamyada amniga ee gobolka.Arrimahan oo dhan waxay tilmaamayaan in khariidadda siyaasadeed iyo tan militari ee Bariga Dhexe ay si weyn isu beddeleyso