Trump Oo si lama Filaan ah u Baajiyey Safarkii Gobolka New Jersey Iyo Arooska Wiilkiisa

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa si lama filaan ah u baajiyey safar uu ku tagi lahaa gobolka New Jersey, sidoo kalena kama qeybgelin arooska wiilkiisa Donald Trump Jr, isaga oo si degdeg ah ugu laabtay Aqalka Cad sababo lagu sheegay “arrimo dowladeed oo degdeg ah.”

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada iyo sirdoonka Maraykanka ay galeen heegan sare, kadib cabsi laga qabo isku dhac militari oo cusub oo ka dhan ah Iran.

Warbaahinta CBS ayaa sheegtay in qorshayaal hore dib loo hakiyey, iyadoo Washington laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo amni oo weyn.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Pakistan ayaa si qarsoodi ah ugu safray Tehran, arrintaas oo sii kordhisay walaaca ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka, Tulsi Gabbard, ay xilka iska casishay kadib khilaafyo la xiriiray siyaasadda amniga iyo warbixinaha sirdoonka ee ku saabsan Iran iyo xaaladaha cakiran ee gobolka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in safaarado digniino soo saareen, iyadoo dunidu si weyn isha ugu hayso waxa kasoo bixi kara saacadaha iyo maalmaha soo socda