Cudurka Ebola Oo ka Dilaacay Dalka Uganda Oo ay Ciidamo ka Joogaan Somalia

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u xaqiijisay saddex kiis oo cusub oo cudurka Ebola ah, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in cudurka halista badan uu ku faafo dalalka gobolka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Mas’uuliyiinta caafimaadka Uganda ayaa sheegay inay si degdeg ah u kordhiyeen howlaha lagu baadi-goobayo dadka la kulmay bukaanada cudurka qaba, si loo xakameeyo faafitaanka fayraska kahor inta uusan gaarin heer adag oo laga maarmi waayo.

Cudurkan oo kamid ah xanuunada ugu halista badan dunida ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday gobolka, iyadoo Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO uu ku dhawaaqay in nooca Bundibugyo ee fayraska Ebola uu noqday xaalad degdeg ah oo caafimaadka bulshada ah oo leh walaac caalami ah. WHO ayaa sheegtay in khatarta ugu weyn ay ka jirto Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaasi oo cudurka uu si xooggan uga dillaacay.

Warbixinnada caafimaadka ayaa tilmaamaya in gudaha Congo laga diiwaan geliyay ku dhawaad 750 kiis oo looga shakisan yahay Ebola, halka ugu yaraan 177 qof ay u dhinteen cudurka tan iyo markii uu dillaacay. Tirooyinkaas ayaa muujinaya heerka khatarta iyo xawaaraha uu cudurku ugu fidayo bulshada, gaar ahaan deegaanada ay ka jirto dhaqdhaqaaq badan oo xuduudeed.

Mas’uuliyiinta Uganda ayaa sheegay in saddexda kiis ee cusub ay xiriir dhow la leeyihiin bukaankii ugu horreeyay ee laga helay dalkaasi. Dadka cudurka qaaday waxaa kamid ah darawal qaaday bukaankii ugu horreeyay ee Ebola laga helay Uganda, taasoo muujinaysa sida uu cudurku ugu gudbi karo dadka si dhow ula macaamila bukaanka. Sidoo kale, waxaa cudurka qaaday shaqaale caafimaad oo daweynayay bukaankaasi, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo badqabka xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya xaaladda.

Kiiska saddexaad ayaa ah haweeney u dhalatay dalka Congo oo si qarsoodi ah uga soo gudubtay xadka Uganda iyadoo qabta calaamado fudud oo cudurka Ebola ah. Haweeneydan ayaa la sheegay inay kasoo safartay magaalada Arua oo ku dhow xadka Congo, kadibna ay u gudubtay magaalada Entebbe kahor inta aysan daryeel caafimaad u raadsan isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Kampala.

Socdaalka haweeneydan ayaa cabsi weyn ku abuuray hay’adaha caafimaadka, maadaama ay dhex martay magaalooyin kala duwan iyadoo cudurka qabta, taasoo kordhin karta dadka laga yaabo inay la kulantay intii ay safarka ku jirtay. Dowladda Uganda ayaa hadda waddo baaritaanno ballaaran oo lagu ogaanayo dhammaan dadka ay xiriirka la sameysay.

Nooca Bundibugyo ee Ebola ayaa kamid ah noocyada dhifka ah ee fayraska, waxaana lagu yaqaanaa inuu keeno qandho daran, matag, shuban, dhiig bax gudaha iyo dibadda jirka ah iyo xaalado kale oo caafimaad oo aad u halis badan. Inkastoo noocani uu ka yara dhimasho hooseeyo qaar kamid ah noocyada kale ee Ebola, haddana wuxuu si fudud ugu faafi karaa bulshada haddii aan si dhaqso leh loo xakameyn.

Dalalka gobolka ayaa hadda sare u qaaday feejignaanta caafimaad, iyadoo xuduudaha la adkeeyay, goobaha caafimaadkana lagu kordhiyay baaritaannada dadka kasoo gudbaya Congo. Khubarada caafimaadka ayaa ka digaya in haddii aan si adag loo xakameyn cudurkan, uu sababi karo xaalad caafimaad oo aad u khatar badan oo saameyn karta dalal badan oo Afrika ah.

Ururka Caafimaadka Adduunka iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ayaa sheegay inay taageero caafimaad iyo mid farsamo u dirayaan Uganda iyo Congo, si loo xoojiyo baaritaanka, karantiilka, daaweynta bukaannada iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan halista cudurka Ebola.

Ugandha ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo saraakiisha ciidamadaas iyo dad shacab ahba ay maalin walba u kala gooshaan labada dal, arrntaasoo leh walaac badan oo laga cabsi qabo in xanuunkaas uu ku soo faafo Somalia.