WAR-SAXAAFADEED Taariikh: 24 May 2026
Goobta: Laascaanood Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Sool, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta ammaanka, badqabka bulshada iyo sugidda caddaaladda, ayaa ku guulaystay dabagal ay ku sameeyeen fal-danbiyeed kufsi ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood taariikhdu markay ahayd 23 May 2026.
Howlgalkaasi kadib, Ciidanka Boolisku waxay gacanta ku soo dhigeen shan (5) eedaysane oo loo haysto kiiskaasi, halka hal eedaysane oo kale uu weli baxsad yahay, isla markaana ay ku raadjoogaan laamaha ammaanku.
1:Eedaysanaha 1aad: Maxamed Cabdi Ismaaciil Faarax Ina Farduus Xasan Saalax L/28 Jir Ah.
2:Eedaysanaha 2aad: Sharmaake Cabdi Cali Cabdilaahi Ina Safiya Daahir Obsiiye L/22 Jir Ah.
3:Eedaysanaha 3aad:Sahal Maxamed Cabdi Samatar Ina Deeqa Axmed Ducaale L/22 Jir Ah.
4:Eedaysanaha 4aad:Axmed Cabdiqaadir Ashkir Ina Muxubo Jaamac Ciise L/24 Jir Ah.
5:Eedaysanaha 5aad:Cabdicasiis Jaamac Shire Ina Yurub Kaariye Bulaale L/21 Jir Ah.
6:Eedaysanaha 6aad: Maqane Cabdiraxmaan Maxamed Muuse Warsame .
Kiiskan waxaa dhibbane ka ah muwaadinad reer Waqooyi Bari ah, waxaana sidoo kale kiiskani khuseeyaa ilaalinta sharciga iyo ammaanka guud ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Ciidanka Boolisku waxay shacabka u xaqiijinayaan in baaritaanku si buuxda u socdo, isla markaana warbixin dhammaystiran lala wadaagi doono bulshada marka ay soo gebageboobaan baaritaannada socda.
Sidoo kale, eedaysanayaasha gacanta lagu hayo waxaa sida ugu dhakhsiyaha badan loogu gudbin doonaa hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo habraaca sharciga waafaqsan.
Dhanka kale, Ciidanka Boolisku waxay bulshada ogeysiinayaan in aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka kana horreeyay war-saxaafadeedkan. Sidaas darteed, dhammaan wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee la xiriira kiiskan ee aan kasoo bixin hay’adaha rasmiga ah waa warar aan xaqiiqo ku dhisnayn, kuwaas oo carqaladayn kara hannaanka caddaaladda iyo shaqada ay hayaan ciidamada ammaanku.
Ugu dambayn, Ciidanka Boolisku waxay bulshada u caddeynayaan in illaa hadda aysan jirin wax caddeymo ah oo boolisku hayo kuwaas oo muujinaya in faldanbiyeedkan uu xiriir la leeyahay arrimo kale oo ka baxsan dhacdadan.
DHAMMAAD
