Abiy oo Sheegay in Itoobiya u Baahan Tahay Marin-badeed Wada-hadal iyo Xasilooni Lagu gaadho

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa sheegay in dalkiisu weli aaminsan yahay in baahida Itoobiya ee marin badeed lagu gaadhi karo wada hadal iyo isfaham, isaga oo xusay in Itoobiya ayna doonayn colaad ama dagaal ka dhasha arrintaasi.

Raysal Wasaaruhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay muddo ku dhow 30 sanno ka hor lumisay marin badeedkeedii, islamarkaana ayna u muuqan in shacabka Itoobiya ay sugayaan 30 sanno oo kale si xal looga gaadho arrintaasi. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay “waddo xasiloon oo wada hadal ku dhisan” si loo gaadho xal waara.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in doodaha iyo go’aamadii Itoobiya ay ku lumisay marin-badeedka ayna si buuxda uga wada warqabin hay’adaha sharci dejinta iyo shacabka Itoobiya. Waxa uu tilmaamay in dukumentiyada arrintaasi la xidhiidha aan si rasmi ah loogu ansixin baarlamaanka, isla markaana aan afti dadweyne laga qaadin shacabka Itoobiya.

“Waxaan rabaa inaan u sheego shacabka Itoobiya in go’aanka ku saabsan arrinta badda ayna jirin hannaan sharciyeed oo si buuxda loogu ansixiyay. Baarlamaanku wax badan kama ogeyn, aftina lagama qaadin shacabka,” ayuu yidhi Raysal Wasaaruhu.

Dhanka kale, wuxuu fariin u diray dalalka dariska ah, isaga oo sheegay in Itoobiya ayna doonayn dagaal, balse ay muhiim tahay in laga fogaado tallaabooyin hurin kara xiisad gobolka ka dhalata.

“Walaalahayaga Eriteriya waxaan leenahay dagaal idin lama rabno, laakiin xabad gudbiye yaal ha noqonina. Ma fiicna dal deris ah in xabad layskugu gudbiyo,” ayuu yidhi, isaga oo Eriteriya ku eedeeyay in ay ka shaqaynayso dhibaataynta Itoobiya.

Raysal Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga gobolka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, isaga oo dalalka deriska ah ugu baaqay inay joojiyaan tahriibka dadka, ganacsiga sharci darrada ah iyo suuqa madow.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay diyaar u tahay wada shaqayn iyo horumar dhaqaale oo ay la yeelato dalalka gobolka, isaga oo sheegay inuu doonayo inuu booqdo magaalada Asmara sidii uu hore u sameeyay, isla markaana ay jiraan mashaariic balaayiin dollar ku kacaya oo ay Itoobiya ka shaqaynayso halkii ay colaada ka shaqayn lahayd.

“Xataa dagaal wakhti uma hayno inaan kaga fikirno,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Raysal Wasaaraha Itoobiya.