Erdogan Oo Furashadii Istanbul ku Micneeyay Guul wayn oo Taarikhida Badashay kana Hadlay Taariikhda Islaamka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa furashadii Istanbul ku micneeyay guul wayn oo taarikhida badashay, isla markaana magaladaasi ka saartey mugdigi una badashay iftiin, wuxuna intaasi raaciyay in furashada magalada Istanbul ay tusaale cad u tahay in Ummada Turkigu ay xaqiijin karto himiladeeda.

Suldan Mehmet ll, oo sidoo kale loo yaqaano Mohamed Fatix oo xiligaasi hogaaminayay dowladii wayneyd ee Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa 29, bishii May, sanadkii 1453, furtey magalada Constantinople oo maanta loo yaqaano Istanbul kadib dagaalo khadhaadh oo uu la galay Boqortooyadii Byzantine-yiinta ee magaladaasi ay fadhiisinta u ahayd.

Nabi Muxamed SCW, ayaa sii sheegay in islaamku uu furan doono labo magaalo oo kala ah Istanbul iyo Roma, weliba la hor furan doono Istanbul, wuxuuna nabigu u duceeyay hogaamiyaha furan doona Istanbul iyo ciidanka uu wato.