Ololaha diblomaasiyadeed ee dowladda Imaaraadka Carabta ay ku doonayso in Lana Nusseibeh loogu doorto xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa wajahaya caqabado waaweyn iyo mucaaradad sii xoogeysanaysa oo ka imaanaysa dalal awood leh iyo hay’ado caalami ah.
Nusseibeh, oo ah musharraxa Imaaraadka, ayaa la sheegay inay ku guuldarreysatay inay kasbato taageerada saddex ka mid ah shanta dal ee xubnaha joogtada ah ka ah Golaha Ammaanka ee QM, kuwaas oo kala ah Britain, Faransiiska iyo Shiinaha. Mareykanka iyo Ruushka ayaa la sheegay inay taageersan yihiin musharraxnimadeeda.
Wareeggii sagaalaad ee codbixinta tijaabada ah ayay Nusseibeh heshay toddoba cod oo keliya, halka musharraxa Costa Rica, Rebeca Grynspan, ay heshay toban cod, musharraxa Argentina, Rafael Grossi-na uu helay siddeed cod.
Eedeymaha la xiriira taageerada Imaaraadka ee ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga Suudaan ayaa noqday caqabadda ugu weyn ee hortaagan ololaheeda. Warbixinno iyo baaritaanno kala duwan ayaa Abu Dhabi ku eedeeyay inay RSF gaarsiiso hub, dhaqaale iyo saad milatari, inkastoo dowladda Imaaraadku ay si joogto ah u beenisay eedeymahaas.
Cadaadiska ayaa sidoo kale ka xoogeysanaya Britain, halkaas oo 66 xildhibaan ay ugu baaqeen dowladda inay ka hortagto magacaabista Nusseibeh, iyagoo walaac ka muujiyay siyaasadda Imaaraadka ee Suudaan iyo Yemen iyo eedeymaha la xiriira xadgudubyada sharciga caalamiga ah.
Codbixinta la qorsheeyay 30-ka November ayaa noqon doonta imtixaan muhiim ah oo lagu ogaanayo halka uu marayo ololaha Imaaraadka, iyadoo loolanka xilkan uu isu beddelay tartan diblomaasiyadeed oo ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin quwadaha waaweyn ee caalamka.
