Golaha Wakiilada cusub Ee Koofur Galbeed Oo la Dhaariyay iyo Masuuliyiin ka Qaybgalay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda dhaarinta xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed, taas oo ka dhacday magaalada Baydhabo.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyo, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale. Xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Khudbad uu munaasabadda ka jeediyay, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa xubnaha la dhaariyey ku boorriyey inay si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh ugu adeegaan shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana ay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada, amniga, horumarka iyo midnimada bulshada.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyey habsami u socodka geeddi-socodka dhaarinta, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladeed iyo hanaanka dowlad-dhiska ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Dhaarinta xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada ayaa qeyb ka ah marxaladaha kala guurka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in golaha cusub uu door muuqda ka qaato arrimaha sharci-dejinta iyo hannaanka doorashooyinka maamulka.