Wargeyska Faransiiska ka soo baxa ee L’Équipe ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahan kasta oo kooxda PSG ka tirsan wuxuu heli doonaa hal milyan oo Euro oo abaalmarin ah hadii ay ku guuleystaan Champions League caawa, sida sannadkii hore oo kale.
Kooxaha Arsenal iyo PSG, ayaa caawa foodda isku dari doonaa kulanka Final-ka ee koobka UEFA Champions League, iyadoo ciyaartan si weyb dunida looga daawan doono oo xiiso gaar ah u leh bahda ciyaaraha Kubadda Cagta xiisaysa.
Sanadkii horeba waxaa la yidhi hal milyan oo Euro baad leedihiin, waa kuwii 5 gool ku dhuftey Inter Milan, laakin caawa Arsenal baa hor joogta ma sahlana.
Haddii ay caawa Arsenal, guuleysto waxa uu noqon doonaa markeedii ugu horeeyay ee ay Champion ku guuleysto, halka haddii PSG guuleysato waxa uu noqon doonaa midkeedii 2aad.
Yaad filaysaa inay ku guuleysan doonto Arsenal iyo PSG ?
