Dowladda Federaalka ayaa beenisay in Safiirkeeda dalka Kenya, Jibriil Cabdulle ay u yeedhay kaddib markii uu ka qeyb galay shir ay Israa|l agaasintay.
Wasiirka Arrimaha-dibedda Fadaraalka Somaliya, Cabdisalaam Dhaay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socotay ka qeybgalka safiirka ee Shirka iyo Bandhigga 6-aad ee Avocado Africa 2026, isla markaana uusan jirin wax khalad ah oo dhacay.
“Safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle wuxuu shirka uga qeyb-galay isaga oo gudanaya waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee dalka. Shirku wuxuu ahaa mid la xidhiidhay beeraha iyo ganacsiga, mana ahayn kulan siyaasadeed. Sidaa darteed, wararka sheegaya in safiirka loo yeeray waa kuwo aan sax ahayn.” ayuu Wasiirku u sheegay Dawan Media.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli DFS ay si weyn uga dagaallamayso xidhiidhka Somaliland & Israa|l oo gaadhay halkii u sarraysay.
