INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Xukuumadda, ka Qaranka iyo ka Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qoyska, Ehelka, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaanba ummadda JSL ee uu ka baxay AHUN Taliyihii Xabsiga Boorama Marxuum G/ Sare Siciid Xuseen Caynaan (San-yare) oo ku geeriyoodey magaalada Hargaysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Marxuumka ku sifeeyay dal-jire dedaal iyo karti badan oo dadkiisa iyo dalkiisaba u soo adeegay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Marxuumka Alle SWT uga baryayaa in uu u naxariistii Jannatul Firdowsa Aclaa ka waraabiyo, Qaranka JSL, Qoyskiisii, Asaxaabtiisii, Qaraabadiisa iyo Ciidanka Asluubta ee uu Marxuumku ka tirsanaaba uu samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda
