Trump Oo Dalbaday Inuu la Kulmo Hogaamiyaha Sare Ee Iran Mojtaba Khamenei

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa inta uu ku jiray waraysi uu siiyay New York Post, wuxuu xaqiijiyay in hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei uu ku lug leeyahay wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, isla markaana ay labada dhinac u muuqdaan kuwo si wanaagsan isu fahmaya.

Trump ayaa yiri ; “ Waxaan jeclaan lahaa inaan la kulmo hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei… waa hoggaamiye ay dad badan ixtiraamaan.”

Trump ayaa yiri:“Wuu ku lug leeyahay, shaki kuma jiro. Waxaan u maleynayaa inay dad badan ixtiraam weyn u hayaan.”

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu jeclaan lahaa inuu la kulmo Mojtaba Khamenei mustaqbalka.

“Waxay u badan tahay inaan mar uun kulmi doono, iyadoo ku xiran sida arrimuhu u socdaan,” ayuu yiri