Tuesday, September 1, 2026

Mareykanka oo Weerar Culus ku Qaaday Caawa Koonfurta Iran.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa duqaymo ku bilaabay Iiraan, isaga oo sheegey in uu uga jawaabayo weerarro ay ciidamada IRGC ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayay marin-biyoodka Hormuz iyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan gobolka.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa bayaan ku xaqiijiyay in la weeraray fariisimo ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC).

Wakaaladda wararka dawlada Iran ee Fars ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay Konarak, Chabahar, Bandar Abbas, Sirik iyo Qeshm ee koonfurta Iran.

Dawlada Iran ayaan weli caddeyn goobaha saxda ah ee Maraykanku qaraxyada la beegsaday, waxayna Iiraan durba ku goodisey in ay beegsanayso dalalka Carabta ee ay ku yaallaan saldhigyada Mareykanka.