Tuesday, October 6, 2026

Ciidamada dowlada Yemen Oo Bilaabay Hawlgal Militari oo Ballaaran Oo Lagu Qabsanayo Gobolka Taiz.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada dowladda Yemen ee uu taageero Sacuudiga ayaa bilaabay hawlgal militari oo ballaaran oo looga golleeyahay in dib loogu qabsado degmada Al-Wazi’iyah ee gobolka Taiz.

Hawlgalka ayaa ka socda saddex jiho, iyadoo ciidamada dowladda ay isku dayayaan inay cadaadis ku saaraan Xuutiyiinta, isla markaana ay xiraan waddooyinka muhiimka ah ee saadka iyo dib-u-gurashada.

Al-Wazi’iyah waxay si istiraatiiji ah ugu taallaa xuduudda gobollada Taiz iyo Lahij, waxaana mara waddooyin muhiim ah oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo saadka.

Degmadu waxay muddo dheer ahayd goob lagu loollamo, iyadoo gacan-ku-haynteedu dhowr jeer isu beddeshay labada dhinac ee dagaallamaya.