Ciidan Danab oo ka Digay Abaabul Ciidan oo Madaxweyne Deni ka Wado Garowe

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka amar qaata taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jen. Jimcaale Jaamac Takar, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu maleeshiyaad geeyay kantaroollada magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed ay soo saareen, Danab waxay ku sheegeen in maleeshiyaadka la geeyay baraha kantaroolka ay halkaas ka wadaan abaabul ciidan oo ay ku tilmaameen mid looga soo horjeedo ciidamadooda.

Danab waxay ugu baaqeen dhallinyarada ku jirta ciidamada kala duwan in aysan ku lug yeelan khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabooyin halis gelin kara naftooda.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed u caddeyneynaa in Ciidanka Danab aysan cidna duullaan ku ahayn, balse ay isdifaacayaan haddii la soo weeraro,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli la filayo inuu Puntland soo gaaro taliyaha cusub ee Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Jen. Jimcaale Jaamac Takar, oo dhowaan xilkan loo magacaabay.

Khamiistii la soo dhaafay, Puntland ayaa soo saartay go’aan ay ku mamnuucday joogitaanka iyo isu socodka ciidamo aan ka tirsanayn ciidamada Puntland, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi looga gol leeyahay ilaalinta amniga iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada ciidamada ay Dowladda Federaalka ka qoranayso gudaha deegaannada Puntland.