Sheekh Shariif Oo Xasan Shiikh ku Eedeeyey Dagaalka Muqdisho

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u cambaareeyay weerar uu ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sida uu sheegay lala beegsaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre xilli uu kulan kula jiray Ugaaska beesha Murusade iyo waxgarad kale.

War-saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu dhacay xilli Xasan Cali Khayre uu ku sugnaa kulan ay wada yeesheen Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde iyo xubno kale oo ka tirsan waxgaradka, iyadoo uu ku tilmaamay falkaasi mid ka dhan ah xasilloonida siyaasadeed iyo wada-hadallada bulshada.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhacdadan ay qeyb ka tahay waxa uu ku tilmaamay cadaadis siyaasadeed iyo tallaabooyin ay dowladda ku doonayso inay ku cabburiso siyaasiyiinta mucaaradka iyo dadka dhaliilsan maamulka hadda jira.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaaday tallaabooyin horseedi kara qalalaase iyo dhiig daata xilli uu dalka ka jiro muran siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku dooday in muddada xilka ee Madaxweynaha ay dhammaatay, isagoo sheegay in tallaabooyinka amni iyo kuwa siyaasadeed ee maalmahan socda ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu sii hayo awoodda dowladda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymahaas iyo hadallada kasoo baxay Sheekh Shariif.

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa carrabka ku adkeeyay in dhacdooyinka noocan oo kale ah aysan joojin doonin bannaanbaxyada ay qorsheynayaan shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda siyaasadaha dowladda. Wuxuu sheegay in dadka reer Muqdisho ay xaq u leeyihiin inay si nabad ah u muujiyaan aragtidooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in bannaanbaxyada la qorsheynayo ay salka ku hayaan cabashooyin la xiriira maamulka awoodda dowladda, arrimaha barakaca iyo waxa mucaaradku ku tilmaamayaan cadaadis siyaasadeed oo lagu hayo qeybo ka mid ah bulshada.

Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyn baaq u diray ciidamada ammaanka, isagoo ku boorriyay inay ka fogaadaan amar kasta oo keeni kara isku dhac siyaasadeed ama waxyeello loo geysto shacabka. Wuxuu ku adkeeyay ciidamada inay gutaan waajibaadkooda qaran ee ilaalinta amniga iyo badbaadada muwaadiniinta, iyagoo aan dhinacna la safan khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo sii kordheysa, iyadoo ay socdaan abaabulo bannaanbaxyo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan dhinacyada mucaaradka, halka dowladda ay dhankeeda sare u qaaday heeganka amni ee caasimadda. Arrimahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in muranka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho amniga iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.