Dagaalka Iran iyo Mareykanka oo sii kululaanaya ayaa Iran waxay ku hanjabtay inay bartilmaameedsan doonto hantida Trump ee ku taalla Carabta Khaliijka
Ciidamada Pasdaran ee Iran ayaa shaaca ka qaaday in hantida Donald Trump ee ku kala yaal Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ay noqon doonto bartilmaameed ay weerari doonaan. Hantidaas waxaa ka mid ah Trump International Hotel oo ku yaal Dubai, Trump Plaza oo ku yaal Jeddah, iyo Trump Tower oo ku yaal Riyaadh.
Hadalkan Iran ayaa soo baxay kadib markii Mareykanku uu duqeeyey lix saldhig iyo cisbitaal ku yaalla Iran.
Dhanka kale, Iran ayaa habeenkii hore ilaa subaxnimo ku sii wadaysa duqeymo ku saabsan Kuwait, Baxreyn, Dubai, Abu Dhabi, iyo sidoo kale saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla Jordan.
