Dawlada Oo Sheegay Inay lasoo Gabangabeeyay Amni Daro Mucaaridka ka Wadeen Muqdisho

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada amniga ay soo gaba-gabeeyeen hawlgal socday muddo 48 saacadood ah, kaas oo lagu sheegay in looga hortagayay dhaq-dhaqaaqyo ay wadeen ciidamo la xiriira hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la soo afjaray maleeshiyaad abaabulan oo doonayay inay xaalad amni darro ka abuuraan magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa sheegtay in kooxahan ay soo abaabuleen siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Sheekh Axmed.

“Maleeshiyaadkan oo ku hubaysnaa hub culus ayaa galay xaafado ka tirsan caasimadda, waxaana ay weerarro ku qaadeen ciidamada Booliska iyo shacabka iyagoo adeegsanaya hub culus. Ciidamada amniga ayaa si taxaddar leh ula falgalay maleeshiyaadkaas oo ay soo abaabuleen siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Sheekh Axmed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegtay in intii uu socday hawlgalka ay ciidamada amnigu hub ka dhigis ku sameeyeen maleeshiyaadkii sharci darrada ahaa.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in hay’adaha amniga iyo kuwa garsoorku ay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo la xiriira arrintan, iyadoo la tilmaamay in cadaaladda la horgeyn doono cid kasta oo ku lug yeelata falalkaasi.

“Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa falalkan kuwo aan la aqbali karin, kana baxsan sharciga, isla markaana u adeegaya dano cadaw oo gudaha iyo dibadda ah. Dowladda waxay caddeynaysaa in ciidamada amniga oo keliya ay xaq u leeyihiin inay haystaan hub sharci ah, wixii kasoo harana aan la aqbali doonin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in dowladda aysan marnaba aqbali doonin maleeshiyaad iyo hub sharci darro ah, iyadoo cid kasta oo ku dhaqaaqda falal noocan oo kale ah ay la kulmi doonto tallaabooyin adag oo sharci ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu digaysaa shaqsi kasta iyo koox kasta oo ku hawlan falalkan inay ka waantoobaan, kana digtoonaadaan cawaaqibka ka dhalan kara,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.