Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu uga jawaabayo cabashooyinka ay maalmihii u dambeeyay soo gudbinayeen qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddigu wuxuu sheegay inuu qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga, dhexdhexaadnimada iyo qarsoodiga codbixinta si doorashadu ugu dhacdo si waafaqsan sharciga.
War-saxaafadeedka ayaa ka kooban saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo guddigu ku sheegay inay yihiin jawaabta rasmiga ah ee cabashooyinka la xiriira habsami u socodka doorashada.
Qodobka koowaad, guddigu wuxuu sheegay inuu diyaariyey ciidamo gaar ah oo si gaar ah ugu xil-saaran sugidda amniga goobta doorashada. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ciidamadan ayaa ka madax-bannaan dhammaan musharraxiinta tartamaya, waxaana loo igmaday ilaalinta goobta codbixinta iyo ka hortagga wax kasta oo saameyn kara hufnaanta doorashada. Guddigu wuxuu tilmaamay in tallaabadan lagu fulinayo si waafaqsan qodobka 79-aad ee sharciga doorashooyinka.
Qodobka labaad, guddigu wuxuu shaaciyey inuu diyaariyey goob dhexdhexaad ah oo ay si siman u isticmaali karaan dhammaan musharraxiinta. Guddigu wuxuu caddeeyey in goobtan aysan cid gaar ahi lahayn, isla markaana musharraxiinta oo dhan ay u wada siman yihiin isticmaalkeeda iyo imaanshaheeda. Arrintan ayaa lagu sheegay mid looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo sinnaanta musharraxiinta iyo in aan la abuurin tuhun ku saabsan eex ama takoor.
Qodobka saddexaad ayaa si gaar ah u taabanaya habka codbixinta. Guddigu wuxuu ku wargeliyey xildhibaannada codeynaya in si adag loo mamnuucay in gudaha goobta codbixinta lala galo taleefannada gacanta ama qalab kasta oo elektaroonik ah oo suuragelin kara sawir-qaadis ama duubis. Guddigu wuxuu sheegay in tallaabadan loogu talagalay ilaalinta qarsoodiga codka iyo in aan la ogaan cidda uu xildhibaanku u codeeyey. Sidoo kale, waxaa xildhibaannada lagu adkeeyey inay u hoggaansamaan sharciga doorashooyinka ayna ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara qarsoodiga codbixinta.
Jawaabta guddiga ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay sii kordhayaan cabashooyinka iyo walaacyada ay qabaan qaar ka mid ah musharraxiinta doorashada Koonfur Galbeed. Musharraxiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Prof. Jawaari ayaa horay u muujiyey walaac ku saabsan hannaanka doorashada, iyagoo ku dooday in loo baahan yahay jawi doorasho oo ay musharraxiintu si siman ugu tartamaan.
Guddiga Doorashooyinka ayaa dhankiisa ku adkaystay inuu ka go’an yahay qabashada doorasho xor ah, caddaalad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka, isagoo sheegay in dhammaan tallaabooyinka uu qaaday ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo madaxbannaanida codbixinta
HOOS KA DAAWO WAR SAXAAFADEEDKA

