Wargeyska Washington Post, ayaa maanta baahiyay warbixin lagu sheegay in Qatar ay bilowgii dagaalka wadahadallo qarsoodi la yeelatay Iiraan, si loo ilaaliyo xarunta Ras Laffan, oo ah xarunta ugu weyn dunida ee dhoofinta gaaska dabiiciga ah (LNG) isla markaana ah tiirka ugu muhiimsan dhaqaalaha Qatar.
Sida warbixintu sheegtay, qorshuhu wuxuu ahaa in Iiraan aysan weerarin xaruntan, halka Qatar ay si ku meel gaar ah u joojin lahayd wax-soo-saarka gaaska,tallaabadaas ayaa la rumeysan yahay inay sare u qaadi lahayd qiimaha tamarta adduunka, taasoo cadaadis ku saari lahayd Mareykanka iyo Israa’iil inay si degdeg ah u soo afjaraan dagaalka.
Qatar ayaa beenisay in heshiis noocaas ahi jiray, waxayna sheegtay in go’aamada ay ka qaadatay Ras Laffan ay ahaayeen kuwo la xiriira amniga iyo badbaadada xarunta.
Si kastaba ha ahaatee, ilo sirdoon ayaa ku andacoonaya in Doha ay Iiraan ka dalbatay dammaanad qaad ah in aan la beegsan kaabeyaasha tamarta.
Haddii uu jiray isfaham noocaas ah, ma uusan sii waarin. Inkastoo Qatar ay hakisay howlaha Ras Laffan bilowgii colaadda, Iiraan ayaa markii dambe weerartay xaruntaas, ka dib markii la weeraray xarumo gaas oo ku yaalla gudaha Iiraan.
