Xoghayaha Difaaca UK John Healey, oo booqasho ku joogay Khaliijka ayaa sheegay in ku dhowaad 1,000 askari oo UK ah la geeyay gobolka – tiradaas oo ay ku jiraan kuwa loo diray Qubrus.
Healey ayaa sidoo kale ku dhawaaqday wax ku biirinta difaaca hawada dheeraadka ah ee xulafada gobolka, isagoo intaa ku daray in Iran ay “ballaarisay” weerarradeeda gobolka, uuna filayo in dagaalku sii socdo “muddo toddobaadyo ah”.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, waddamada Khaliijku waxay ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la furo marin biyoodka Hormuz, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Isbahaysigu waxay eegeen doorashooyin kala duwan si ay u furaan marinka maraakiibta muhiimka ah, ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray inay u baahan tahay jawaab caalami ah – oo uu ku jiro Maraykanka.
Healey ma uusan bixin waqti cayiman ama faahfaahin dheeraad ah ba;lse wuxuu sheegay in iskahorimaadka ay tahay in “la joojiyo”.