Dowlada Maraykanka Oo Xayiraad kusoo Rogtay Xubno ka tirsan Hoggaanka TPLF

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in xayiraad dhinaca Fiisaha lagu soo roggay xubno ka tirsan hoggaaminta TPLF iyo garabka Ciidanka ah. Xubanaha iyo ehelkooda ayay xayiraadu saameyn doonta sida lagu sheegay war-saxaafadedka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnahan lagu soo rogay xayiraadda ay carqaladeynayaan dadaallada nabadda ee gobolka Tigray.

Magacyada xubnaha lagu soo rogay xayiraadda lama shaacin, balse Maraykanku wuxuu sheegay inuu sii wadi doono tallaabooyinka lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Itoobiya.