HNN: Dalal badan oo Yurub ah ayaa xoojinaya xeerarka lagu xakamaynaayo buuriga, laakiin Faransiisku waa kan ugu fog. Laga bilaabo 1-da Abriil, waxaa hir galaya xeer danbi ka dhigaya dhamaan buurigu noockasta oo yahay cadaan iyo cawlaan iyo kuwa dhamaan afka laga qaato marka laga reebo sigaarka iyo xanjada la calaliyo ee tubaakada leh, waxaana mamnuuc ah haysashada, isticmaalka, ama soo gelinta dalka Faransiiska.
Mas’uuliyiinta Faransiiska waxay ku doodayaan in mamnuucidda ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta caafimaadka dadweynaha, gaar ahaan dhalinyarada. Baakadaha nikotiinka waxaa lagu kala saari doonaa maaddo sun ah, ee ku jirta, xaga sharciga Faransiiska, taasoo gelinaysa isla qaybta sharciga ee mukhaadaraadka, xadgudubyadu waxay keeni karaan ganaax ilaa €375,000 iyo xabsi ilaa shan sano.
Mamnuuciddu ma saameyso oo kaliya dadka degan, laakiin sidoo kale dalxiisayaasha, ardayda iyo shaqaalaha. Wadamo badan oo yurub aha ayaa ka cawday xeerkan, iyagga oo xukuumadda Faransiiska ku eedeeyey in ay dadka ku cadaadinayaan in ay bilaabaan ama dib ugu noqdaan haday horay u joojiyeen sigaarka.
Dalka Faransiisku waa dalka dadkiisu ugu sigaar cabis badan yihiin, daraasaadkii ugu danbeeyeyna waxaa uu sheegay in 23% bulshadu cabto sigaarka.
Heemaal News Network.
