Kuuriyada Koonfured Oo soo Bandhigtay Qorshe ay Dalkeeda ku keenayso Askarta KWaqooyi Ee Lagu Qabtay Dagaalka Ukrain

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kuuriyada Koonfureed ayaa soo bandhigtay qorshe ay doonayso inay dalkeeda ku keento askari kasta oo gacanta Ukraine gala oo ka mid ah ciidanka Kuuriyada Waqooyi ee ka barbar dagaallamaya Ruushka.

Dawlada ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso askarta aan dooneyn inay dib ugu laabtaan Ruushka ama Kuuriyada Waqooyi, isla markaana ay ka soo horjeedo si qasab ah in loo celiyo.

Fiiro gaar ah; waxay u muuqataa Kuuriyada Koonfureed inay ka faa’iideysanayso dhibaatooyinka ay ciidanka Kuuriyada Waqooyi kala kulmayaan dagaalka Ukraine , taasoo usoo jiidaysa inay wax ka fahanto khibrada dagaal ee ciidanka Kuuriyada Waqooyi.

Sikastaba ha noqotee Ciidanka Kuuriyada Waqooyi ayaa qaba dardaaran uu horey u siiyay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un oo ah in askari kasta oo ku dhawaada in la qabto usoo jeediyay inuu nafta is dhaafiyo.