Ingiriiska Oo Iran ku Eedeeyay Inay Landon soo Galisay Dagaalyahanno iyo Xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa markii u horreysay daahqaaday inay Iiraan gudaha Ingiriiska soo galisay dagaalyahanno iyo xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo hab tahriib ah usoo galay London iyo magaalooyinka Ingiriiska, iyagoo doomo yaryar uga soo gudbay dhinaca Faransiiska, halka ay warbixintu sheegtay in qaar ka mid ah dadkan ay Iiraan usoo galinaysay gudaha Ingiriiska la qabtay oo gacanta hay’adaha ammaanka Ingiriiska ay ku jiraan.

Laga soo billaabo 2018 illaa sannadkan 2026, waxay warbixintu sheegtay soddon kun oo Iiraaniyiin ah inay soo galeen gudaha Ingiriiska, taasoo ka dhigtay ajaaniibtii ugu badnayd ee soo galay muddadaa dhulka Ingiriiska, welina ay Iiraan isku dayayso tiro kale inay soo dirto, kuwaasoo gacan ka helaya shabakado tahriibaya oo Yurub ay ka sameysay Iiraan.

Warbixintu, waxaa kaloo ay sheegtay in saraakiisha Iiraan ay billaabeen in ay ku hanjabaan gudaha Ingiriiska inay weerarro ka fulinayaan, ka dib markii ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Andy Burnham ee toddobaadkii hore xilka la wareegay uu sheegay inuu Mareykanka u oggolaanayo saldhigyada gudaha Ingiriiska ku yaalla inuu u adeegsado weerarrada ka dhanka ah Iiraan.

Ma jirto , wax falcelin ah oo Iiraan ay weli ka bixisay warbixintan uu baahiyay wargeyska The Telegraph oo ah warbixin cadaadis saari doonta dadka ka soo jeeda Iiraan ee ku sugan gudaha Ingiriiska iyo kuwa iskudayaya inay galaan.