War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddda gaashaandhiga Kuwait ayaa lagu sheegay in “saddex xarumood oo ku yaalla waqooyiga Kuwait lala beegsday weerar cadow, taasoo sababtay khasaare hantiyeed.”
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa sheegay in “goob shidaal oo badeed oo ay leedahay Shirkadda Shidaalka Kuwait lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn , taasoo sababtay khasaare hantiyeed iyo dhaawaca hal shaqaale.”
Ciidamada qalabka sida ee Kuwait ayaa adkeeyay inay diyaar u yihiin inay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Dhanka kale, warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in “la weeraray goobta ay ku sugan yihiin cutubka gantaallada dhulka ee Ciidanka Maraykanka ee Kuwait.”
Ilaa hadda, Ciidanka Qalabka Sida ee Iiraan iyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) midkoodna kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan arrintan.
Qadar iyo Cummaan oo cambaareeyay weerarada Iran
Qatar ayaa cambaareysay weerarrada Iiraan ay ka geysato dhulkeeda iyo deriskeeda iyadoo ku tilmaantay “uga sii darid qatar badan ee xiisadda.”
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, oo lagu magacaabay Urdun, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Cumaan, Kuwait iyo dalalka ay bartilmaameedsanayaan duqaymuhu, ayaa lagu yiri: “Qadar waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.”
Cummaan waxay sidoo kale cambaareysay weerarrada Iiraan ay ka geysatsy dhulkeeda.
Wakaalada wararka Cummaan ayaa ku qortay barta ay ku leedahay X: “Suldaannimada Cumaan, iyadoo cambaareyneysa oo muujineysa sida au uga xun tahay weerarkan, waxay ku nuuxnuuxsaneysaa inay qorsheysay dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay ula dagaallanto arrinkaan una ilaaliso amniga dalka iyo dadka deggan.”
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen saldhigyada Mareykanka ee Qatar, Kuwait, Baxrayn, Cumaan, iyo Urdun si ay uga aargutaan weerarrada Mareykanka.
Mareykanka oo sheegay in Marinka Hurmuz uu faran yahay
Daqiiqado kaddib markii Iiraan ay mar kale ku celisay in ay xirtay Marinka Hormuz, Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in marinkaasi uu weli furan yahay, isla markaana ciidamadoodu ay “diyaar u yihiin oo la geeyay” si loo xaqiijiyo xorriyadda iyo ammaanka maraakiibta.
“Marinka Hormuz wuxuu u furan yahay dhammaan maraakiibta si sharci ah uga gudbaya marin-biyoodkan caalamiga ah. Ciidamada Maraykanku waa la geeyay, waana diyaar si loo xaqiijiyo in xorriyadda isu-socodka baddu ay sii socoto,.”ayaa lagu yiri qoraalka CENTCOM.
CENTCOM ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay:”Iiraan ma maamusho Marinka Hormuz.”

Ciidamada IRG Ee Iran Oo Sheegay in ay gantaal ku soo rideen dibadda magaalada Khorramabad.
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran IRG ayaa sheegay in ay ku soo rideen “gantaal cadowgu leeyahay” bannaanka magaalada Khorramabad.
Sida ay sheegtay wakaalada wararka Iran ee IRNA, sarkaalka xiriirka dadweynaha ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka, Abolfazl, ayaa sheegay saakay in qalabka casirga ee difaaca hawada ay soo rideen gantaal Mareykanka soo tuuray.

Dhanka kale madaxda ammanka ayaa sheegay in gantaal Iran oo kor loo qaadayay uu waxyeelo u geystay meel baabuurta la dhigto oo ku taal magaalada Durood.
“Dhacdadan wax khasaare nafeed ah kama dhallan ama waxyeelo halis ah, mana jirin gantaal magaalada lagu sooweeraray” ayuu yiri Saeed Pourali oo ah ku xigeenka madaxa arrimaha siyaasadda iyo amniga.
Saacad ka hor bayaanka CENTCOM, hay’adda ay Iiraan u xilsaartay maamulka Marinka Hormuz ayaa ku dhawaaqday in marin-biyoodkaasi uu xiran yahay.
Awoodda shabakadda korontada ee Iran ayaa hoos u dhacday “4,200 oo megawatt” kadib weerarro ay geysteen Mareykanka.
Shirkadda Tavanir waxay sheegtay in weerarrada Mareykanka ay waxyeello u geysteen shabakadda korontada ee Iiraan, taasoo hoos u dhigtay awooddeeda “qiyaastii 4,200 oo megawatts.”
Mohammad El-Dad, oo ah madaxa shirkadda Tavanir, ayaa sheegay in “in ka badan laba kun oo dhibcood oo shabakadda ah ay waxyeello soo gaartay.”
Sida uu sheegay Mr. Elhadad, “Dhaawaca soo gaaray shabakadda iyo qalabka warshadaha korontada ayaa dhaafay 60 tirilyan oo tomans ah.”
Maamulaha shirkadda Tavanir ayaa ka digay in, marka la eego cadaadiska sii kordhaya ee shabakadda xilliga xagaaga, “in maalmaha soo socda aan lala kulmi doonin wax caqabado ah.”
