Kenya ayaa waddo cusub u xaareysa isku xirka gaadiidka Bariga Afrika iyo geeska Africa, iyadoo qorsheynaysa in tareenka casriga ah ee SGR laga sii fidiyo Lamu ilaa Itoobiya, kadibna lagu xiro Koonfurta Suudaan.
Mashruucan oo qayb ka ah LAPSSET Corridor ayaa la filayaa inuu isku xiro suuq ay ku nool yihiin 50 ilaa 60 milyan oo qof, isla markaana dardargeliyo ganacsiga iyo isu socodka gobolka.
Shabakadda tareenka oo dhererkeedu gaari doono qiyaastii 2,900 kiiloomitir ayaa la filayaa inay noqoto mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee kaabeyaasha dhaqaalaha Bariga Afrika.
