War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay in Israa’iil, Somaliland iyo Taiwan ay yihiin lammaane dimuqraadi ah oo isku fikir ah isla markaana wadaaga qiimaha dimuqraadiyadda, xorriyadda, iyo xukunka sharciga,”, waxaana sidaas lagu faafiyey bogga wararka ee Focus Taiwan.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Taiwan ay la dhacsan tahay xidhiidhka ay la wadaagto waddamada Somaliland iyo Israa’iil, Sida aanu ka soo xiganay Focus Taiwan Xukuumadda Taipei iyo Somaliland waxay leeyihiin xidhiidh kobcaya oo laba geesood ah, kaas oo soo bilaabmay, sannadkii 2020-kii isla markaana keenay in caasimadaha labada dal laga furo xafiisyo kala matalaya labada waddan.
