Hogaamiyaha Iiraan Oo Farriin u Diray Xisbulah Iyo Ruushka Iyo Israel Oo Warar kasoo Saaray

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Farriintii ugu dambeysay ee uu soo diray, hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradiisa uu u hayo hoggaamiyaha ururka hubeysan ee Lubnaan ee Hezbollah, Naim Qassem.

Farriinta ayaa sidoo kale muujisay “mahadnaq” ku aaddan tacsi ay Hezbollah ka bixisay dilkii hoggaamiyihii hore ee Iran, Ali Khamenei, oo ahaa aabbaha Mojtaba Khamenei, kaas oo la dilay 28-kii Febraayo — maalintii ugu horreysay ee weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.

Mojtaba Khamenei laguma arag meel fagaare ah ama kama uusan soo muuqan warbaahinta Iran tan iyo markii uu xilka kala wareegay aabbihiis 8-da Maarso.

Si kastaba ha ahaatee, Israel ayaa horey u ballanqaadday — kahor iyo kadibba xil la wareegistiisa — inuu noqon doono bartilmaameed.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “ama dhintay ama xaalad aad u liidata ku sugan yahay, sababtoo ah cidna muuqaalkiisa ma arag ama ma maqlin.”

Sidoo kale, safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa sheegay in maqnaanshaha Mojtaba Khamenei ee goobaha dadweynaha ay sabab u tahay “arrimo amni.”

Israa’iil oo ku Dhawaaqday tallaabo ka dhana oo ay qaaday Xisbullah

Dhanka kale Milateriga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ururka Xisbullah uu soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee Israa’iil, taasoo ku dhacday koonfurta Lubnaan habeenimadii Talaadada.

Bayaan ka soo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in diyaaraddaas ay taageero siinaysay ciidamada dhulka markii uu ku dhacay gantaal nooca dhulka laga rido oo lala beegsado diyaaradaha ka dibna ay dhacday.

Sida lagu xusay bayaanka, milaterigu wuxuu ku adkeeyay inaysan jirin sabab looga walwalo in macluumaad ay siday diyaaraddaas ay gacanta u galaan cadawga, waxaana weli socda baaritaan ku aaddan dhacdadan.

Ruushka oo War Cusub kasoo Saaray Halka uu ku Sugan yahay Hoggaamiyaha sare ee Iran.

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa ku sugan dalka gudihiisa balse wuxuu ka gaabsanayaa inuu fagaarayaasha ka soo muuqdo “sababo la fahmi karo darteed”, sida uu sheegay RTVI oo soo xiganaya safiirka Ruushka u fadhiya dalkaas.

Mojtaba ayaa beddelay aabihiis, Ayatollah Ali Khamenei, oo la dilay markii ay Israa’iil iyo Mareykanku bilaabeen dagaalkooda ka dhanka ah Iiraan wax ka badan hal bil ka hor.

Mareykanka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Mojtaba qudhiisu uu dhaawacanyahay, ayna u badan tahay inuu wejiga si xun ugu dhaawacmay.

Tirada dhaawacyada Tel Aviv, oo korortay ka dib weerarkii Iiraan

Afar iyo toban qof, oo ay ku jiraan gabadh 11 sano jir ah iyo wiil 13 sano jir ah, ayaa ku dhaawacmay weerarkii Iiraan ay goor sii horreysay ku qaadday duleedka Tel Aviv.

Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan dhaawacyada ka dhashay weerarkaas, adeegga gurmadka degdega ah ee Israa’iil, Magen David Adom, ayaa sheegay in gabadha ay soo gaareen dhaawacyo firir ah, isla markaana loola cararay isbitaal ku yaalla degaankaas.

War bixin kale oo ay soo saartay adeegu, waxay ku sheegtay inaan la soo sheegin wax dhaawacyo dheeraad ah ka dib markii ay dhaceen duqaymo kale oo is-daba joog ah oo ay soo qaaday Iiraan.