Kooxda Xuutiyiinta Yemen Oo Hanjaabaad Culus u Diray Dawlada Sucuudiga Oo ay ku Eedeyeen

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa hanjaabaad culus u diray dawlada Sucuudiga iyagoo ku eedeeyay inay fara gelin ku sameeyewn hawada magaaalada caasimadda ah ee Sanca.

Sida ay baahisay Al jazeera kooxda Xuutiyiinta ayaa ku hanjabay in ay beegsan doonaan dekeddaha iyo goobaha muhiimka ee dalka Sucuudiga haddii ay Riyaad sii wado fara gelinta ku hayso hawada dalka Yemen.

Xuutiyiintu waxa ay ku doodayaan in diyaaradaha dagaalka ee Sucuudigu maanta oo Jimce ah isku dayeen in ay ka hor tagaan diyaarad ka timi Iran taas oo qaadi lahayd wefti Xuuti ah oo ka qayb gelaya aaska hoggaamiyihii hore ee Iran Ayatullaahi Cali Khamenei.

Diyaaradda ayay sheegeen in ay si nabad ah u gaadhey Iran balse waxa ay fara gelinta Sucuudiga ku tilmaameen mid aan loo dulqaadan doonin oo laga jawaabi doono haddii ay sii socoto.