Dowladda Federaalka oo Hakisay Duulimaadyadii tagi jiray magaalada Baydhabo

by Heemaaln
1 minutes read

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hakisay duulimaadyadii rayidka ahaa ee ka bixi jiray Muqdisho una socday magaalada Baydhabo ee caasimadda gobolka Baay, kaddib markii uu sii xoogaystay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Sida ay sheegayaan ilo maxalli ah, ilaa subaxnimadii maanta oo Talaada ah, wax duulimaad ganacsi ah uma suurta gelin inay gaaraan Baydhabo sababo la xiriira go’aanka dowladda ee hakinta duulimaadyada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in hadda loo oggol yahay kaliya diyaaradaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kaargowga inay ka deggaan Baydhabo inta lagu jiro hakinta.

Qaar kamid mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Soomaaliya si weyn ugu dhaleeceeyay tallaabadaan ay maanta qaaday, Agaasimaha Tubsan ee Maamulka Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur, ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay diyaarado dad rakaab ah saarnaayeen oo kusoo socday magaalada Baydhabo, Saaka 6:00 subaxnimo ayay garoonka soo galeen, ilaa hadda lama fasixin.”

Sida aynu ku heleeyno xogihii ugu dambeeyay, diyaaraddihii loogu talagalay Baydhabo ayaa si rasmi ah loo fasaxay, hase yeeshee duulimaadkeeda maanta wuu baaqday, Waxaa la filayaa in diyaaradu berri si toos ah u gaarto magaalada Baydhabo.

Maxamed Cali Ibraahim, agaasimaha warfaafinta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa bulshada ku yiri: “Waa ceeb in shacabka Soomaaliyeed lagu xannibo garoon ay bulshada leedahay. Hay’adda duulista rayidka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsanyahay waa inuu ka waantoobaa dhaqamada noocaas ah, Waa dhacdo taariikhi ah oo xusuus mudan.”

Tallaabadaan ayaa daba socota kadib Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo banaanka yimid, kadib markii maanta ay Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed uu shaaciyey inuu joojiyey xiriirka siyaasadeed iyo mida wada shaqeyn ee kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.