Agabka Xulka Kubada Cagta Ingiriiska Oo Lagu Xaday Maraykanka Iyo Baaritaano Socda

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Booliska iyo hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa howlgallo ka billaabay magaalada Kansas ee gobolka Missouri, si loo helo qalabkii xulka kubadda cagta Ingiriiska oo laga xaday gaarigii siday , markii la jabsaday, taasoo dib u dhigtay tababbarka iyo is diyaarinta xulka Ingiriiska ee ka qaybgalaya koobka adduunka.

Xulka Ingiriiska hadda ma sameyn karaan tababbar buuxa, sabab la xiriirta in la xaday dhammaan agabkii tababbarka oo ay ku jiraan kabaha ciyaartoyda,agabka shaqaalaha tababarka, kubbadaha, iyo dirayska ciyaarta.

Dhacdadaan ayaa noqonaysa midda maanta loogu hadal haynta badan yahay koobka adduunka, xilli Ingiriisku isku diyaarinayo kulanka u horreeyay ee koobka adduunka oo ay Arbacada la ciyaarayaan xulka Croatia.

Screenshot