Sunday, October 25, 2026

Barack Obama oo Dhaliilay Siyaasadda Trump ee Iiraan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, ayaa dhaliilay siyaasadda madaxweyne Donald Trump ee Iiraan, isaga oo sheegay in khilaafka Tehran lagu xallin karay diblumaasiyad halkii laga adeegsan lahaa awood milatari.

Obama oo ka hadlayay munaasabad ololaha doorashooyinka dhexe ee Maraykanka ayaa xusay in intii uu xilka hayay la hirgeliyay heshiis lagu xakameynayay barnaamijka nukliyeerka Iiraan, kaas oo lagu gaaray wadaxaajood iyo diblumaasiyad.

“Markii aan xilka hayay, heshiiskii lagu xakameynayay barnaamijka nukliyeerka Iiraan wuxuu ahaa mid diblumaasiyadeed, mana ahayn mid ku dhisan gantaallo la rido,” ayuu yiri Obama.

Hadalka Obama ayaa imanaya iyadoo siyaasadda Trump ee Iiraan ay dhalisay dood siyaasadeed oo ka dhex taagan Maraykanka, gaar ahaan xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga oo dhaliilaya habka uu madaxweynuhu u wajahayo xiisadda Tehran.

Obama iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden ayaa ka mid ah siyaasiyiinta Dimuqraadiga ee dhaliila siyaasadaha maamulka Trump, xilli labada xisbi ay isku diyaarinayaan doorashooyinka dhexe ee Maraykanka.