Monday, November 16, 2026

Boqorka Sacuudi Carabiya Oo Wareegto Boqor ku Magacaabay Taliyaha Ciidamada Wadajirka ah

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan, ayaa soo saaray wareegto boqortooyo oo lagu beddelay Taliyaha Ciidamada Wadajirka ah; isagoo Jeneraal Fahd bin Xamad Al-Salmaan u wareejiyay xil la-talin ah oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca, halka Jeneraal Fayyad Al-Ruxayli uu u dallacsiiyay xilka Taliyaha.

Taliyaha Ciidamada Wadajirka ah ayaa kormeera hawlgallada milateri ee isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya ee ka socda dalka Yemen.