Monday, November 16, 2026

Is-waydaarsiga 12 Qof oo la kala Haysteen Jabhadaha Gadabuursi Iyo Ciise oo dib u dhac ku yimid

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wararka ka imanaya deegaanka Geerisa ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in ay guul-daraysteen waan-waan lagu doonayay in lagu kala qaato 12 qof oo ay kala haystaan dhinacyada Gadabuursi iyo Ciise, kuwaas oo dhawaan la kala qabsaday.

Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan wafdiga oo gaabsaday in la xuso ayaa sheegay in is-weydaarsigu dib-u-dhac ku yimid kaddib markii aan la keenin 10-kii qof ee dhinaca beesha Ciise laga sugayay, madashii qorshahu ahaa in lagu kala qaato dadkan oo ahayd magaalada Geerisa.

Waxana ay wararku intan ku darayaan in uu arintan uu ka dhashay muran adag oo dhexmaray taliyaha ciidanka Geerisa Janaraal Dhoolaal oo doonayay in maantaba la sii daayo Labada qof ee beesha Cisie ee la wado, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, Cali Xaamud Jibriil, oo ku adkaystay in labada nin la sii dayn doono marka la keeno dadka lagu beddelanayo.

Dhanka kale, labada nin ee la doonayay in la sii daayo ayaa la sheegay inay bedqabaan, halka aanay jirin wax war ah oo faahfaahsan oo laga hayo xaalka guud iyo badqabka qof-ka ee ku jira gacanta maleeshidaadka beesha Ciise.

Waan-waantan ayaa waxa kale oo qayb ka ah Bashasaabka gobolka Awdal, ganacsato iyo xeerbeegti dhaqan oo dheeraad ah oo isku xil-qaantay in la qaboojiyo xiisada, si nabdoona la isku dhaafsado raga la kala haysto.