Ciraaq iyo Maraykanka ayaa hore ugu heshiiyay in 2,500 askari oo Maraykan ah Ciraaq laga saaro, Ciidamada Maraykanku waxay markii hore duulaan ku galeen Ciraaq galeen 2003, waxaana la dhimay joogitaanka ciidanka 2011, balse waxay dib ugu soo laabteen 2014 iyagoo sheegay inay la dagaallamayaan ISIS.
Hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta Ciraaq ayaa sheegay in bixitaanka Maraykanku uu gobolka Kurdistan ka dhigi karo mid u nugul weerarro kaga yimaada Iran, gaar ahaan maadaama aysan haysan difaac cirka oo ku filan.
Warbaahinta Gobolka ayaa sheegtay in Gobolka Erbil iyo Kurdistan ee Dalka Ciraaq muddo dheer loo adeegsan jiray xarumo Qarsoon oo ay ka howlgalayeen sirdoonka CIA-da Maraykanka iyo Mossad-ka Israel
