Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Israa’iil iyo Lubnaan ay ka fiirsanayaan mashruuc tijaabo ah oo uu garwadeen ka yahay Mareykanka, kaas oo ciidamada Israa’iil ay maamulka qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan ugu wareejinayaan ciidamada dowladda Lubnaan.
Reuters, oo soo xiganaysa saddex sarkaal oo sare oo Israa’iili ah, ayaa warisay in ciidamada Lubnaan ee ka qayb qaadanaya qorshahan la marsiin doono tababaro iyo baaritaanno amni oo ay maalgelinayaan Mareykanka iyo xulafadiisa, si loo xaqiijiyo inaysan wax xiriir ah la lahayn ururka Xisbullah.
Sida ay tilmaameen ilo-wareedyadaasi, ciidamada Israa’iil ayaa sii joogi doona deegaannada ay gacanta ku hayaan ilaa ammaanka koonfurta Lubnaan si buuxda loogu wareejiyo ciidamada dowladda Lubnaan.
Ilaa hadda, Mareykanka iyo Israa’iil midkoodna si rasmi ah uma xaqiijin wararka la xiriira qorshahan.
Dhanka kale, wada-hadallada u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan ayaa maanta ka sii socda magaalada Washington, iyadoo la doonayo in xal looga gaaro arrimaha amniga iyo xasilloonida xuduudaha labada dhinac.
Sidoo kale, qodobka la xiriira ka bixitaanka ciidamada iyo joojinta colaadaha dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan, ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay qodobbada mudnaanta leh ee ku jira wada-hadallada iyo is-afgaradyada uu Mareykanku ka wado gobolka, oo ay qayb ka yihiin arrimaha la xiriira Iiraan.
