Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent oo tix-raacaya hadallada Trump, ayaa adkeeyay in “qayb weyn” oo ka mid ah hantida Iran ee la xayiray loo adeegsan doono in lagu iibsado cunto iyo dawo laga keeno Maraykanka, xilli saraakiisha Maraykanku ay sheegeen inay iyagu go’aamin doonaan halka lacagta lagu bixinayo.
Scott Bessent ayaa u sheegay CNBC in Wasaaradda Maaliyadda Maraykanku ay yeelan doonto xafiis hawlgal ah oo ku yaal Doxa si uu u kormeero lacagahaas.
Donald Trump ayaa sheegay in qaar ka mid ah lacagta Iran “la fasixi doono” si looga iibsado beeralayda Maraykanka galley, Qamadi, Digir iyo dalagyo kale.
Wuxuu yiri:“Iran si aad ah ayay (Iran) ugu baahan tahay cunto, waxaana si gaar ah uga iibin doonnaa Maraykanka.”
Dhanka kale, Iran ayaa beenisay in lacagta uga iibsan doonto cunno beeraleydaMareykanka ama dawooyinka Maraykanka ah.
