Donald Trump ayaa sheegay in kormeerayaal Maraykan ah, oo ay weheliyaan kormeerayaasha hay’adda IAEA, ay booqan doonaan xarumaha nukliyeerka ee Iran.
Wuxuu u sheegay Fox News:“Waxay galaan heshiis, way qoraan, dabadeed way ka baxaan — taasina ma aha run.”
Wuxuu adkeeyay in Iran ay oggolaatay kormeerka ka socda hay’adda quwadda atoomikada ee Qaramada Midoobey ee IAEA.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin qorshe degdeg loogu dirayo kormeerayaasha.
Agaasimaha guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa maanta sheegay—isagoo aan cayimin waqti—in kormeerayaashu ugu dambayn ay tagi doonaan Iran si ay u kormeeraan xarumaha nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa beenisay heshiiska sheegaya in IAEA ay kormeeri doonto.
Saacado ka hor, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran ayaa bartiisa X ku qoray:“Ma jiraan qorshayaal lagu gelayo xarumaha la weeraray mana jiro wax agab nukliyeer ah.”
