Wednesday, June 24, 2026

Muxuu yahay Hubka Al-Khalid Ee Pakistan Samaysay?

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Milatariyada casriga ah ee dalal badan oo caalamka ah ayaa muddooyinkii dambe ka saaray adeeggooda noocyo hub ah oo hore muhiim u ahaa, iyagoo u arkay in tiknoolajiyad cusub ay beddeshay doorkoodii dagaal. Si kastaba ha ahaatee, Pakistan ayaa qaaday waddo ka duwan tanas, iyadoo dib u casriyeyn ku samaysay mid ka mid ah taangiyadii ugu caansanaa ee ay lahayd.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Pakistan waxay si joogto ah uga shaqaynaysay horumarinta taangiga Al-Khalid, kaas oo hadda loo aqoonsaday mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee awoodda ciidamada dhulka ee dalkaas.

Dowladda Pakistan ayaa maalgelin ballaaran ku samaysay laba nooc oo casri ah oo laga sameeyay taangiga Al-Khalid, kuwaas oo si guul leh loo horumariyay. Inkasta oo ay jiraan laba nooc oo kala duwan, haddana labaduba waxay ka tirsan yihiin qoyska taangiyada Al-Khalid.

Horumarinta taangiyadan waxaa fulisay warshad hubka soo saarta oo ku taalla gudaha Pakistan, iyadoo taageero farsamo iyo iskaashi ka heshay Shiinaha iyo Ukraine.

Noocyadan cusub ayaa hadda si rasmi ah loogu daray liiska qalabka ugu muhiimsan ee ay adeegsadaan ciidamada Pakistan, taasoo muujinaysa kalsoonida ay Islamabad ku qabto awoodda taangigan.

Al-Khalid waxa uu ka mid yahay gaadiidka dagaalka ee culus, wuxuuna si gaar ah ugu habboon yahay dagaallada tooska ah ee ciidamada dhulka. Taangigan ayaa caan noqday sagaashamaadkii, waxaana loo arkayay xilligaas mid ka mid ah hubkii ugu awoodda badnaa ee gobolka.