Israa||L codeyntii doorashada ayaa socota iyadoo sahannadu muujinayaan loollan adag oo Netanyahu iyo Eisenkot ku dhex maraya talada dalka.
Sahanka TOI & ZY ayaa xisbiga Eisenkot siinaya 23 kursi, xisbiga Likud ee Netanyahu-na 21, halka isbahaysiga Bennett/Lapid uu helayo 11 kursi.
Wadarta 120-ka kursi ayaa u qaybsamaysa:
• Garabka Netanyahu: 51 kursi.
• Mucaaradka iyo xisbiyada aan garab ku xidhnayn, marka laga reebo Carabta: 55 kursi.
• Xisbiyada Carabta: 14 kursi — Liiska Wadajirka ah 9 iyo Ra’am 5.
Sahan kale oo hordhac ah ayaa jira oo garabka Netanyahu u saadaalinaya 59 kursi, oo laba kursi oo keliya ka hooseeysa aqlabiyadda 61-ka kursi ee loo baahan yahay.
Natiijada hordhaca ah ee Doorashada caawa 10pm xilliga Telaabiib ayaa la ogaanaya.
