2
Dawladaha Soomaaliya ayaa Liibiya kala hadashay sidii loo kordhin lahaa dhoofinta xoolaha nool ee dalka, loona ballaarin lahaa suuqyada ay xoolaha Soomaaliyeed ka helaan dalkaas.
Arrintan ayaa lagu soo qaaday kulan magaalada Tripoli ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, iyo Wasiirka Maaliyadda Liibiya, Rashiid Abuu Qaffa.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo maaliyadda, iyo horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.
