Magaalada Muqdisho Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saacadihii ugu dambeeyay ciidamo dheeraad ah geysay xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka Hotel Jasiira iyo deegaannada ay degan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ugu saameynta badan dalka.
Goobaha ciidamada la geeyay waxaa ku dhow hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada dowladda ay sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran, kuwaas oo ay kamid yihiin in dhufeysyo laga sameeyo xaafado dhowr ah oo ku yaalla Buulo Xuubey, halka ciidamo kalena la sheegay inay fariisimo ka sameysteen dabaqyo dhaadheer oo ku yaalla aaggaasi.
Dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in mar kale ay soo laabato xiisaddii hubeysneyd ee maalmo ka hor ka dhacday degmada Cabdicasiis iyo deegaano kale oo Muqdisho kamid ah, taas oo sababtay khasaare iyo cabsi amni.
Dhanka kale, ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada gaarka ah ee siyaasiyiinta mucaaradka ay iyaguna galeen heegan buuxa, iyagoo xoojiyay ilaalinta xarumaha iyo guryaha ay degan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Tani waxay muujineysaa heerka sare ee feejignaanta ka jirta labada dhinac iyo cabsida laga qabo in iska horimaad cusub uu dhaco haddii aan xal degdeg ah la helin.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka. Wakiillo ka socda beesha caalamka, gaar ahaan dowladda Turkiga oo saameyn weyn ku leh arrimaha Soomaaliya, ayaa la sheegay inay wada-hadallo iyo dhex-dhexaadin ka wadaan labada dhinac si looga hortago isku dhac ciidan oo xaaladda amniga Muqdisho sii xumeyn kara.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in isu soo dhoweynta ciidamada ee labada dhinac ay khatar ku tahay amniga caasimadda, maadaama khalad yar ama iska horimaad aan la qorsheyn uu sababi karo dagaal si degdeg ah u fida. Waxay sidoo kale tilmaamayaan in xilligan loo baahan yahay dulqaad siyaasadeed iyo wada-hadal si looga fogaado qalalaase cusub oo dalka gelin kara marxalad amni iyo siyaasadeed oo adag.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo si faahfaahsan uga hadlay dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ee Buulo Xuubey, balse xaaladda aaggaasi ayaa lagu tilmaamayaa mid aad u kacsan iyadoo shacabka deegaanka oo walaacsan ay si dhow ula socdaan waxa halkaasi ka socda.
