Qabalaha Malka-Wiila ee Degmada Mubaarak ee gobalka Dawa ayaa lagu xasuuqay 8 qof oo carrur iyo haween u badan. Dadkan la dilay ayaa ka soo jeeda beesha Degta Mooyale, oo dagaal ku furan yahay.
Ehelada dadka weerarka geystay waxay noo sheegen in dadka dilka geystay ay ka soo duullen dhanka Soomalida.(Gobalka Liiban)
Waa wax lalla yaabo, oo ilaa saaka aan aamini la’yahay in dad furin ku jira oo cadaw dibada ah la dagaaallamaya la dhabar jebiyo. Waxgaradka, odayaasha iyo dadka dhacdadan lagu eedeynayo hormuudkodu waa in ay hadlaan. Waa in ay faah-faahiyan sidda wax u dhaceen. Maadama la sheegay in meesha qowmiyad kale ka dhawayn waa in la caddeeyo cida falka geysatay.
Waa xal deg-dega gallaan, oo ay walaalahod u qalbi qaboojiyan. Maanta maalintii lays taageri lahaa ayay ahayd.
