Dowladda Ingiriiska ayaa ciidan u diri doonta Bariga Dhexe, taas oo qayb ka ah hawlgal laga fulinayo marin-biyoodka Hormuz, sida ay sheegtay dowladdu.
Dowladda UK oo tallaabo ka qaadaysa Tahriibayaasha
Dhinaca kale Tirokoob cusub oo ay soo saartay dowladda Britain ayaa muujinaya in laba boqol oo kun oo muhaajiriin ah ay doonno yaryar kaga soo tallaabeen badda dhinaca Faransiiska tan iyo markii diiwaangelinta la bilaabay sannadkii 2018-ka.
Dowladda UK ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabooyin lagu joojinayo socdaalladan, isla markaana sanadkan ay hoos u dhacday tirada dadka sameynaya safarkan khatarta badan.
Arrintan ayaa noqotay walaac weyn oo haysta codbixiyayaal badan, iyadoo xisbiga garabka midig ee Reform uu guulo waaweyn ka gaaray doorashooyinkii deegaanka ee dhacay Khamiistii. Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa iska caabinaya baaqyada loogu yeerayo inuu is casilo kadib markii xisbigiisa shaqaalaha uu natiijooyin liita ka soo hooyay doorashooyinka.
