Wednesday, October 21, 2026

Ergayga Wadahadallada Trump Oo Gaaray Ruushka lana Kulmay Putin

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Steve Witkoff oo ah ergayga wadahadallada Trump, ayaa maanta gaaray magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka, halkaa oo wadahadallo la xiriira dagaalka Ukraine uu kula yeeshay Putin;

Ergayga ayaa intii uu kulanku socday waxa goobta laga shiday dhawaqa weerarda ka diga weerarrada, ka dib markii Ukraine ay diyaaraddo ku weerartay magaalada ay wadahadallada ka socdeen,sida uu baahiyay telefishinka Ruushka ee RT.

Wadahadalkan wuxuu ku soo aaday xilli uu Putin, wado qorshe lagu joojinayo dagaalka Ukraine , kaasoo laga saaray madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky , taa beddelkeeda Putin iyo Trump ayaa gaaraya heshiis saddex geesood ah oo lagu soo darayo madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, kaasoo bilow u noqonaya heshiis ay dib u qaabeyn ugu sameynayaan dunidda intee kale , si danahooda ay u mideeyeen meeshana uga saaraan caqabadaha caalamiga ah ee saameyay doorkii ay saddexdan dal dunidda ku lahaayeen, sida lagu sheegay warbixin uu soo bandhigay wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Wall Street Journal.