Dalalka Yurub, waxaa ku fidaya fayruska Hantavirus ee laga qaado jiirka , iyadoo kiisaskii ugu horreeyay laga soo sheegay Faransiiska , halka markabka dalxiiska ee MV Hondius oo dalal kale duwan isku maray uu noqday midka ugu badan ee fayraskan faafiyay,waxaana geeriyooday labo qof oo u dhashay Netherlands ,kuwaasoo la socday markabkan.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa hadda bilowday warbixinno joogta ah inay fayraskan ka soo saarto, waxaana jira suragalnimo in loola macaamilo sidii fayraska Covid-19 oo dadka lagu soo rogo inay xirtaana af-saab (mask), si looga hortaggo si dhaqso ah inuu u faafo.
Fayraskan wuxuu leeyahay astaamo la mid ah Covid-19, wuxuuna qofka uu ku dhaco dareemaya qandho, qarqaryo iyo heerkulka jirka oo kor u kaca oo ay weheliyaan murqo xanuun, gaar ahaan bowdyaha, sinta, dhabarka, iyo mararka qaarkood garbaha,dareen daal ah oo aad u daran, madax xanuun iyo dawakhaad ay weheliso calool xanuun.
Waxaa lagu kala qaadi karaa neefsashada hawada ama candhuufta qofka cudurka qaba. Inkasta oo uu dhif yahay oo dalalka qaar uu hadda gaaray, haddana waa cudur aad u halis ah oo keeni kara dhimasho haddii aan la daaweyn. See less
