Shiinaha Oo si Adag Uga Hortimid Cunaqabateynta uu Mareykanka Saaray Shirkado Shiinaha ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Shiinaha ayaa si adag uga hortimid cunaqabateynta uu Mareykanka saaray saddex shirkadood oo Shiinaha ku yaalla, kuwaas oo Mareykanku ku eedeyay inay gacan ka geysteen howlaha militari ee Iiraan, sida ay werisey Al Jazeera.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha,Guo Jiakun ayaa yiri:

“Waxaan mar walba shirkadaha Shiinaha ka wargelinaa inay ganacsigooda u fuliyaan si waafaqsan sharciga iyo xeerarka, waxaana si adag u difaaci doonaa xuquuqda iyo danaha saxda ah ee shirkadaha Shiinaha.”

Wuxuu sidoo kale yiri:
“Mudnaanta ugu weyn hadda waa in si kasta looga hortago inuu dagaalku markale dib u billowdo, halkii dagaalka loo adeegsan lahaa in dalal kale si khaldan loogu xiro ama loogu sumcad dilo.”