Garsooraha Caalamiga ah Ee Somaliyeed Cartan Oo Gaaray dalka Kuwait.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa gaaray dalka Kuwait, kadib martiqaad rasmi ah oo uga yimid Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait, Sheekh Axmed Al-Yuusuf.

Garsoore Cumar ayaa loo xushay inuu dhex-dhexaadiyo kulanka u dhexeeya Kuwait SC iyo Al-Qadsiya, kaas oo la ciyaari doono 29-ka Juun 2026, kana tirsan kulamada ugu dambeeya ee horyaalka Zain Premier League.

Markii uu gaaray Kuwait, waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Kuwait, Cabdullaahi Maxamed Sheekh, masuuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait iyo wakiillo ka socday shirkadda Al Shaayic.